
Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ahmed Hassan Aaden ayaa maanta ayaa is afgarad la saxiixday madaxa shirkadda China Beijing Chaoliang Holiding, Mr. JZhuang Liang.
Heshiiskan oo ah isfaham laba dhinac leh, islamarkaana waqtigiisu yahay muddo hal sano ah ayaa lagu sheegay mid shirkadda Beijing Chaoliang Holiding ay ku maalgelinayso Kalluumeysiga Soomaaliya.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shirkaddu ay dalka ka hirgelinayso xarumo lagu hagaajiyo kalluunka dalka, in ay maalgelin xoogan ku samaynayso wax soosaarka kalluunka Tuunaha.
Munaasabadda saxiixa Xaflada heshiiska, waxaa ku sugnaa goob joogayaal caalami ah, khuburo kalluumeysi iyo wakiilada shirkadda China Beijing Chaoliang Holiding(group) co.ltd.
PUNTLAND POST