Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in tirada dadweynaha dunida ay maanta gaartay 8 bilyan oo qof.
Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in cunug dhashay saddex saacadood ka hor uu buuxiyay tirada 8 bilyan ee dadweynaha adduunka.
Waxaa ay tiradan buuxsantay 11 sano kaddib markii 7 Bilyan uu gaaray Dadka Adduunka.
Waxay sidoo kale sheegtay in ay 15 sano qaadan karto in tirada dadweynaha dunidu gaarto 9 Bilyan oo qof.
PUNTLAND POST