
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta safar shaqo ugu amba-baxay dalka Ereteriya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mudnaanta siinaya Ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas iyo kor u qaadidda doorka dalalka Gobolku ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab sida ay sheegtay Villa Somalia
Madaxweynaha ayaa dhigiisa dalka Ereteriya Mudane Asias Afwerki la yeelan doona wada-xaajoodyo ku saabsan kor u qaadidda xiriirka labada dal iyo iskaashigooda.
PUNTLAND POST