Wararkii u danbeeyay wada-hadallada Ruushka iyo Maraykanka

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka Jake Sullivan ayaa xaqiijiyay in wada-hadallada Washington iyo Moscow ay wali furan yihiin

Hadalkan ayaa ku soo aadaya xilli Aqalka Cad uu diiday in uu beeniyo wararka sheegaya in Mr Sullivan uu hoggaaminayay wadahadallo uu Ruushka la yeelanayay si looga hortago xiisadda nukliyeerka ee Ukraine

Isagoo ka hadlayay New York, Mr Sullivan wuxuu sheegay in ay danta Mareykanka ku jirto in la sii wado xiriirka Ruushka.

Wargeyska Wall Street Journal ayaa sheegay in Mr Sullivan uu dhowrkii bilood ee la soo dhaafay wadahadalo qarsoodi ah la yeeshay dhiggiisa Ruushka.

PUNTLAND POST