
Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland ee TPEC ayaa lagu wadaa in uu maalmaha soo socda yeesho guddoon rasmi ah.
Guddiga KMG ah ee doorashooyinka oo ka kooban sagaal xubnood ayaa sida la filayo iska dhex dooran doona guddoonka guddigaas.
Madaxtooyada Puntland ayaa dadaal xooggan ku bixinaysa in guddoomiyaha KMG ah ee hadda jooga TPEC Cabdirisaaq Axmed Siciid uu ku soo baxo guddoomiye rasmi ah.
Madaxtooyada ayaa sidoo kale wadda in guddoomiye ku xigeenka TPEC uu ku soo baxo xubin lagu magacaabo Mahad Bashiir Nuur.
PUNTLAND POST