Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo booqday isbitaallada Gurmadka Muqdisho

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Jaamac ayaa caawa booqday Isbitaallada Erdogan, Banaadir iyo Xarumaha Gurmadka deg-degga ah ee Gobolka Banaadir  oo ay ku shaqeynayaan kooxaha Gurmadka heer Federaal iyo heer Gobol.

Mudane Saalax ayaa ka dhageystay maamulka iyo dhakhaatiirta Isbitaallada, warbixin la xiriirta xaaladda bukaanada jiifa, isagoo ku ammaanay dhakhaatiirta sida ay heeganka ugu yihiin caawinta dhaawacyada.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka  ayaa soo kormeeray xarunta gurmadka deg-degga ah ee Gobolka Banaadir oo ay ku sugnaayeen xubno kamid ah guddiyada gurmadka qaraxii KM5.

Guddoomiyaha Hay’adda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka iyo Guddoomiye ku xigeennada Gobolka Banaadir ee Amniga iyo Siyaasadda iyo Arrimaha bulshada, ayaa warbixin ka siiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka howlaha gurmad ee ay qabteen saacadihii la soo dhaafay, isagoo tilmaamay  in Xukuumaddu ay garab taagan tahay guddiyada gurmadka.

PUNTLAND POST