siyaasiyiin ku hawllan isu soo dhawaynta Madaxweyne Deni iyo Ra’iisul wasaare Xamse

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in uu Muqdisho ka socdo dadaal la isu-gu soo dhaweynayo Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Xamse Cabdi Barre.

Siyaasiyiin ay ku jiraan xildhibaanno heer Federaal ah oo ay isku beel ka soo jeedaan Madaxweyne Siciid Deni iyo Ra’iisul wasaare Xamse ayaa dadaalkan wada sida ay noo sheegeen dad xog-ogaal ah.

Madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa xiriirkoodu aad u hooseeya kadib markii ay ku kala fogaadeen arrima siyaasadeed.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa sidoo kale xiriirkoodu liita tan iyo markii laga soo noqday doorashadii Madaxtinimada Soomaaliya ee uu ku soo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh.

PUNTLAND POST