
Urur siyaasadeedka Horseed oo uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud ( Faroole) ayaa si adag uga digay xukuumadda Puntland in ay ku sii adkaysato qabashada doorashooyinka qof iyo cod ee golayaasha degaanka oo sida Horseed sheegay lagu doonayo mudda kororsi.
War-saxaafadeed ka soo baxay urur siyaasadeedka Horseed ayaa lagu sheegay in caqabado badan ay wakhtigan ku gedaaman yihiin hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod taas oo ay ugu horrayso in aan lagu kalsoonaan karin dhex-dhexaadnimada guddiga doorashooyinka TPEC.
Horseed ayaa sidoo kale tilmaamay in aan wax kalsooni ah lagu qabin xukuunadda hadda jirta ee Puntland oo sida ay sheegeen fara-gelin toos ah ku haysa nidaamkan islamarkaana mudda kororsi raadinaysa.

PUNTLAND POST