Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku wajahan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool sida ay wararku xaqiijinayaan.
Mas’uuliyiin hordhac u ah socdaalka Madaxweynaha Somaliland ayaa hadda ku sugan Laascaanood si ay u diyaariyaan soo dhowayn abaabulan oo loo sameeyo Muuse Biixi.
Somaliland ayaa ciidamo xooggan ku daabushay dhammaan xaafadaha kala duwan ee magaalada Laascaanood si loo xaddido dhaqdhaqaaq kasta oo ka dhan ah socdaalka Biixi.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu booqdo magaalada Tukaraq ee Gobolka Sool halkaas oo Ciidamada Somaliland qabsadeen 8 January 2018.
PUNTLAND POST