Gobolka Tigreega ee waqooyiga Itoobiya ayaa lagu garaacay duqeymo cirka ah o oculus sida laga soo xigtay saraakiisha Gobolkaas.
Duqeynta la sheegay in ay ka dhacday xarunta gobolka ee Mekele ayaa waxa ka dhashay khasaare kala duwan sida ay warbaahintu sheegtay.
Dowladda Itoobiya weli kama hadlin duqaymaha laga soo sheegayo Gobolka Tigray oo ay ku sugan yihiin xoogagga fallaagada TPLF.
Duqaynta ayaa ku soo beegantay laba maalmood kadib markii maamulka TPLF ee halkaas ku sugan ay sheegeen in ay diyaar u yihiin xabbad-joojin.
PUNTLAND POST