Safarkii Madaxweyne Xasan Sheekh ee Puntland oo dhicisoobay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan caasimadda Garoowe ayaa lagu wadaa in uu Isniinta berriya dib ugu laabto magaalada Muqdisho kadib markii uu dhicisoobay safarkiisi Puntland.

Dadka u shaqeeya Villa Somalia ayaa saacadihii la soo dhaafay faafinayay in is af-garad ay gaareen Puntland iyo dowladda Federaalka balse ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in labada dhinac aysan wax natiijo ah ka gaarin wada-hadalladii u socday.

Sida warar madax-bannaan sheegayaan qodobada khuseeya mashaariicda iyo dhaqaalaha ayaa markii hore xoogaa isku soo dhowaansho ah laga sameeyay taas oo Villa Somalia mooday is-afgarad bilow ah.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla soo qaaday in la qabto shir guud oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka inkastoo aysan caddayn xilliga la qaban doono.

PUNTLAND POST