
Allah ha u naxariistee, Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa warbaahinta u xaqiijiyay geerida Abwaanka, islamarkaana ka tacsiyeeyay.
Geerida marxuumka waxaa sidoo kale ka tacsiyeeyay madaxda kala duwan ee Soomaaliyeed iyo siyaasiyiin badan.
Hadraawi, oo ku dhintay da’da 79 jirka, ayaa 1943-kii ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer.
Hadraawi wuxuu sameeyey ruwaayado iyo heeso aad u caan baxay sida, heesta Hooyo iyo heesta Beledweyne.
PUNTLAND POST