
Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan weyne ku yeelanaya xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa ujeedkiisu wuxuu yahay u codeynta iyo kalsooni siinta Xukuumadda magacaaban iyo barnaamijkeeda.
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa horay uga codsaday Xildhibaannada in ay ansixiyaan Xukuumadda si ay u gudato waajibaadka loo igmaday.
Sidoo kale Wasiirada magacaaban ayaa muddooyinkii danbe waday kulamo ay codka kalsoonida ku weydiisanayaan xildhibaannada Baarlamanka gaar ahaanna kuwa ay isku degaanka yihiin.
PUNTLAND POST