Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland oo maanta la kulmaya guddi gaar ah oo loo xil-saaray arrinta Xukuumadda

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa lagu wadaa in uu maanta kulan gaar ah la yeesho guddi uu Baarlamanka Puntland u xil saaray ururinta natiijadii ka soo baxday la-xisaabtanka xukuumadda.

Guddiga ayaa loo xil saaray in ay soo ururiyaan, talona ka soo jeediyaan natiijada La xisaabtanka hay’adaha dowladda ee Kalfadhiga 50-aad.

Wararku waxay sheegayaan in guddigaas uu maalmihii la soo dhaafay isku fahmi waayay arrintii loo xil-saaray islamarkaana ku fashilmeen in ay go’aan midaysan ka soo saaraan.

Khilaafka guddiga ayaa bilowday kadib markii xubnaha qaar soo jeediyeen in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda lagu eedeeyo xil-gudasho la’aan si Baarlamanku tallaabo uga qaado.

PUNTLAND POST