Wasiirka duulista hawada Puntland oo hortegay Baarlamanka

Wasiirka duulista hawada dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo uu weheliyo agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa saaka hortegay Baarlamanka.

Wasiirka ayaa xildhibaannada uga warbixiyay shaqada ay u xilsaarantahay wasaaradda iyo horumarka ay samaysay.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale wasiirka su’aalo ka weydiiyay shaqada wasaaradda gaar ahaanna arrimaha garoomada.

Wasiir Lugatoor ayaa xildhibaannadu wax ka weydiiyeen heshiisyada garoomada diyaaradaha Garoowe iyo Boosaaso.

Cabashooyin ka yimid dhulka uu ku fidayo garoonka diyaaradaha Garoowe ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay wasiirka.

PUNTLAND POST