Baarlamanka Puntland ayaa saaka la xisaabtamaya mas’uuliyiinta ugu sarraysa wasaaradda duulista hawada iyo garoomada Puntland.
Wasiirka duulista hawada dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo ay weheliyaan mas’uuliyiinta kale ee wasaaradda ayaa hortegaya Baarlamanka.
Wasiir Lugatoor ayaa xildhibaannada uga warbixin doona shaqada ay u xilsaarantahay wasaaradda iyo horumarka ay samaysay.
Xildhibaanada ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay wasiirka su’aalo ka weydiiyaan shaqada wasaaradda gaar ahaanna arrimaha garoomada.
PUNTLAND POST