Puntland: Laba nin oo ku eedaysan falal argagixiso oo maxkamad la soo taagay

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland xarunteeda Gaalkacyo ayaa shalay la hor-keenay laba nin oo ku eedaysan Al-shabaabnimo.

Xasan Muuse Axmed iyo Cabdikhaaliq Warsame Barre ayaa xeer ilaalinta ciidamadu ku eedaysay in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab islamakaraana Gaalkacyo ka fuliyeen falal argagixisanimo oo ay ku jiraan dilal.

Fadhiga maxkamadda ayaa lagu dhegaystay dacwadda xeer ilaalinta iyo difaaca qareennada u doodaya labada eedaysane.

Sidoo kale maxkamaddu weli kuma dhawaaqin xukunka labadaas nin ee ku eedaysan argagixisnimada waxaana la filaya in ay dhowaan go’aan rasmiya ka soo saarto.

PUNTLAND POST