Madaxweyne Deni oo maanta safar aan la shaacin ugu baxaya waddanka Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu maanta safar aan la shaacin ugu baxo waddanka Imaaaraatiga Carbeed.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa safarkiisa ku sii hakan doona magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya sida ay wararku sheegayaan.

Dad lagu kalsoon yahay ayaa noo xaqiijiyay  in safarka Siciid Deni ku tegayo waddanka Imaaraadka Carabta uu la xiriiro arrima siyaasadeed.

PUNTLAND POST