In ka badan 120 neef oo geela ayaa ku le’day duleedka caasimadda Jigjiga ee dowlad degaanka Soomaalida DDS, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah ee degaankaas.
Geelaas oo ka koobnaa 150 neef, ayaa ka soo hayaamay dhinaca degmada Xarshin ee gobolka Faafan, waxaana uu ku sii jeeday miyiga degmada Gursum ee gobolkaas.
Balse, sida wararku sheegayaan geela ayaa markii uu gaaray duleedka magaalada Jigjiga, waxa uu daaqay geedka loo yaqaan Ciinka, kaas oo sababay dhimashada 124 neef oo kamid ah 150 geela ahaa.
Mas’uuliyiinta dowlad degaanka Soomaalida ayaa laga soo xigtay in ay geelaas u direen dhaqaatiir qaabilsan xannaanada xoolah, si ay u daweeyaan inta harsan.
Geedka Ciinka: waa geed cagaaran oo cufan, caleemo iyo qodax midna lahayn, laamo dhuudhuuban oo dhecaan cad leh, kaas oo marka geelu daaqo ku sumoodo.
PUNTLAND POST