
Dowladda Soomaaliya ayaa markii u horraysay ka hadashay wararka ku saabsan in ay fasaxday Jaadka laga keeno waddanka Kenya, kaas oo uu xannibay Maamulkii hore ee Madaxweyne Farmaajo.
Warbaaahinta BBC-da ayaa ka soo xigtay sarkaal magaciisa qariyay oo u dhow Maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh, in uu socdo wada-hadal u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo Arrimaha looga hadlayo uu ku jiro Qaadka.
Balse, wuxuu sheegay in Soomaaliya lafteedu ay doonayso waxyaabo ay Kenya ka rabto si ay labada dhinacba u helaan natiijo mira-dhal ah.
Dowladda Kenya ayaa codsatay in laga qaado xayiraadda saaran dhoofinta Qaadkii la gayn jiray Soomaaliya, si loogu daneeyo ganacsatada beeraha qaadka dalkaas.
PUNTLAND POST