Sen. Cabdiqani Geelle oo loo doortay gudoomiyaha guddiga Doorashada Madaxweynaha

Kulan ay maanta yeesheen gudiga isku dhafka ee doorashada madaxweynaha soomaaliya ayay ku doorteen gudoomiyaha gudigaas.

Seontor Cabdiqani Geelle ayaa ku guuleystay gudoomiyenimada gudiga isaga oo helay 10 cod.

Waxaa la tartamayay musharixiinta kala ah Xildhibaan Maxamed Axmed Beereey oo helay 5 cod iyo Xildhibaan Cabdi Ismaaciil Samatar oo helay 2 cod.

Dhanka kale gudoomiye ku xigeenka gudiga ayaa waxaa loo doortay Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed.

PUNTLAND POST