
Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa ku baaqay in aysan mar danbe dhicin xiisado siyaasadeed iyo iyo dhacdooyin amni-darro oo dib u dhac ku keena Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya
Qoraal ka soo baxay Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa ku boorriyay dhammaan Madaxda Soomaaliyeed in ay xakameeyaan khilaafkooda islamarkaana ku xalliyaan isu-tanaasul si aysan caqabad ugu noqon doorashooyinka.
“Waxaan ku boorineynaa dhammaan madaxda Soomaaliyeed inay is-xakameeyaan, khilaafaadkana ay ku xalliyaan isu-tanaasul, kana fogaadaan sii hurinta dhacdo kasta” ayaa lagu yiri Qoraalka.
Beesha Caalamka ayaa sidoo kale soo dhoweeyay doorashada guddoonka Aqalka sare ee Soomaaliya oo qabsoontay maalintii shalay ee 26 April 2022.
Halkaan ka akhriso Qoraalka oo dhan
PUNTLAND POST