
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Durraan Axmed Faarax ayaa shir guddoomiyay kulan ku saabsan Amniga Garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee Muqdisho.
Shirkaas waxaa ka qaybgalay Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda, Agaasimaha Guud, Maareeyaha Hay’add Duulista Rayidka ah, Maareeyaha Garoonka Aaden Cadde, Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Saraakiil kale.
Wasiir Durraan ayaa mas’uuliyiinta kulankaas kaga dhegaystay warbixin la xiriirta weerarkii 23 March 2022 ka dhacay xayndaabka garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Intaas kadib wasiirka ayaa faray Ha’adaha Amniga in ay xoojiyaan Sugidda Amniga Garoonka iyo xayndaabkiisa.
PUNTLAND POST