Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa shaaciyay doorashada kuraastii ugu dambeysay ee Golaha Shacabka.
Qoraal kasoo baxay Guddiga lagu shaaciyay doorashada 7 kursi oo ka harsan xubnaha golaha shacabka ee laga soo doorto dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
1: HOP#181 oo ay ku fadhiso Maryan Macalin Isaaq.
2 HOP# 204 oo uu ku fadhiyo Macalin Cali Aadan
3: HOP# 197 oo uu ku fadhiyo Wasiirkii hore ee howlaha Guud & Guryeynta Cabdifitaax Maxamed Ibraahim Geeseey
4: HOP#179 Maxamed Axmed Maxamed ( Garweyne)
5: HOP#172 oo uu ku fadhiyo Cali Cadow Maxamuud waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis (laftagareen).
6: HOP# 164 oo uu hadda ku fadhiyo Maxamed Isaaq Fanax
7: HOP# 047 oo ay ku fadhiso Wasiirka Haweenka Xukuumadda xilgaarsiinta Xaniifo Maxamed Ibraahim Xaabsade.
Dhammaan kuraastaas ayaa sida guddigu sheegay doorashadooda la qaban doonaa Todobaadkan.

PUNTLAND POST