Xeer-ilaaliyaha guud ee Jabuuti ayaa sheegay in xisaab hubin la sameeyey lagu helay in lacag balaayin franc ah laga lunsaday dowladda Jabuuti.
Warbixin uu soo saaray Xeer-ilaaliyaha ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Miisaaniyadda ay lunsatay hanti dadweyne oo loogu dhiibay inay ku daboosho kharashaadka dowladda.
Xeer-ilaaliyaha ayaa xaqiijiyay in la xiray laba mas’uul oo ka tirsan Wasaaradda Miisaaniyadda iyo wasiir hore.
Waxa uu sidoo kale sheegay in la xiray qaar ka mid ah ganacsatada ku lugta laheyd lunsashada iyo xubno kale oo baaritaanka uu soo galay.
PUNTLAND POST