
Agaasime Ku Xigeenka Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Abshir Maxamed Abshir ayaa maanta oo khamiis ah kulan la qaatay shaqaalaha Wasaaradda ee gobolka Nugaal.
Kulanka shaqaalaha gobolka Nugaal iyo Ku Xigeenka Agaasimaha Dakhliga ayaa ka qabsoomay Xafiiska Wasaaradda Maaliyadda Gobolka Nugaal, wuxuuna kusoo beegmay xili dakhliga sanadkii 2021 ee Gobolka uu keenay odoroskii 95%, halka sanadka 2022, kor loo qaaday ku talagalka miisaaniyadda sanadka, taas oo u baahan in shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta heer gobol loo sameeyo kulan baraarujin ah si loo sameeyo doodo ku aadan fahamka caqabadaha shaqada ka jira iyo shaqo dheeriya.

Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee Dakhliga ayaa xusay in ujeedada kulanku ahaa in shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta ay si furan u wadahadlaan loona dhageysto afkaarta shaqaalaha ee dhanka hormarinta shaqada iyo baahiyahooda gaarka ah, isagoo shaqaalaha ku booriyay in ay markasta soo dhaweeyaan ganacsatada uguna adeegaan bulshada si wanaasgan oo furfuran oo leh soo dhawayn, taas oo horseedi karta biixinta canshuuraha kala duwan ee ay canshuur bixiyeyaashu baxshaan.
Sidoo kale Ku Xigeenak Agaasimaha Guud ee Dakhliga Abshir Maxamed Abshir ayaa ka warbixiyay dadaalada iyo hormarka uu xafiisku sameeyay muddadii koobnayd kuwaasoo ay ka mid yihiin hormarinta goobta shaqada sida dhismaha xarunta gobolka, tababarka shaqaalaha ee barashadda canshuuraha, dib u habaynta xafiisyadda iyo casriyaynta nidaamka dakhli uruurinta, wuxuuna shaqaalaha u rajeeyay in ay qayb ka noqdaan isbadalada laro in la gaaro, si loo kobciyo korna loogu qaado dakhliga gobolka Nugaal.
Kulanka oo kusoo dhamaaday si habsimi leh, waxaa madaxda iyo shaqaalaha dakhliga gobolka Nugaal soo dhaweeyeen in la joogteeyo shirarka noocaan ah si loogu kala warqaato xaaladaha shaqo ee heer gobol.






























PUNTLND POST