Soomaaliya oo si buuxda u taageertay qaraar ka dhan ah dowladda Ruushka

Soomaaliya ayaa si buuxda u taageertay qaraar ka soo baxay golaha guud ee Qaramada Midoobay oo ku saabsan canbaareynta weerarka Ruushku ku qaaday Ukraine.

141 dal oo Soomaaliya ku jirto ayaa u codeeyay qaraarkaas oo ku baaqaya in Ruushku Ciidamadiisa kala baxo waddanka Ukraine.

5 dal ayaa diiday qaraarka halka ay ka aamuseen 35 waddan oo ay ku jirto dowladda Shiinaha.

Tirada golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka kooban 193 waddan.

PUNTLAND POST