Tababar ku saabsan Xuquuqda Insaanka oo lagu qabtay magaalada Garoowe

Hay’adda PMWDO ayaa tababar socday 4 cisho magaalada Garoowe ugu soo geba-gebaysay 40 qof oo laga soo xulay Xaafadaha iyo Kaamamka caasimadda Garoowe.

Tababarka ayaa lagu baranayey isdhexgalka Bulshada iyo xuquuqul insaanka waxaana dadkaan ay noqon doonaan u qareemayaal xuquuqda aadanaha iyo isdhexgalka Bulshada.

Jaamac Cabdi Bulshaale oo ah madaxa mashruuca ee hay’adda PMWDO ayaa sheegay tababarka uu ahaa mid Bulshada u mihiim u ah.

Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhan

PUNTLAND POST