Musharaxii shalay Garoowe lagu dhaawacay oo saaka xildhibaan loo doortay

Maxamed Faarax Nuux (Maxamed Dheere) oo shalay dhaawac fudud ka soo gaaray weerar lagu qaaday ayaa saaka Garoowe loogu doortay xubin ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Maxamed Dheere ayaa ku soo baxay kursiga Hop#192 oo laga soo doorto Gobolka Nugaal kadib markii uu 91 cod kaga guulaystay Ruweyda Maxamuud Maxamed oo la tartantay islamarkaana heshay hal cod.

Xildhibaanka la doortay ayaa horay mudda 10 sano ah uga tirsanaa Baarlamanka Puntland mudadii u dhexaysay 2009-2019.

PUNTLAND POST