
Puntland ayaa xaqiijisay in dhinacyadii ku dagaallamay Saax-maygaag ay si buuxda u fuliyeen dhammaan go’aannadii ka soo baxay shirkii nabadaynta Hadhwanaag.
Sidaas waxa sheegay guddi ka kooban mas’uuliyiinta dowladda oo qaabilsan dhaqan-gelinta go’aannadii ka soo baxay shirkaas.
Guddiga ayaa tilmaamay in lagu guulaystay wejiga kowaad ee nabadaynta Saax-maygaag iyo Senge-jebiye islamarkaana loo gudbayo wejiga xiga si loo dhammaystiro.
Guddiga ayaa sidoo kale bogaadiyay kaalinta ay nabadaynta ka qaateen hoggaanka dhaqanka labadii dhinac ee dagaallamay.
PUNTLAND POST
Abdourahman Isse