
Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ku eedeeyay madaxda federaalka iyo dowlad goboleedyada in aysan dan ka lahayn doorasho hufan oo dalka ka dhacda iyo in la joojiyo boobka doorashada.
Midowga Musharaxiinta ayaa war-saxaafadeed ay caawa soo saareen oo lagu faahiyay baraha bulshada ku yiri “Golaha waxaa u caddaatay in aysan jirin cid xil iska saaraysa joojinta boobka doorashada iyo taaba gelinta tallaabooyinka lagu saxayo. Waxaa kaloo u caddaatay in mas’uuliyiinta heer federaal iyo dowlad goboleed aysan dan ka lahayn doorasho hufan oo daahfuran, natiijadeedana la isla aqbalo si dalka loo badbaadiyo qalalaase iyo xasillooni darro siyaasadeed iyo mid amni”.
Midowga Musharaxiinta waxay sheegeen in ay qaban doonaan shir wadatashi ah oo sida ay sheegeen looga arrinsanayo doorasho hufan, waxayna magacaabeen labo guddiga oo ka shaqeeya qaban-qaabada iyo amniga shirkaas.

PUNTLAND POST