Kumaandooska Danab oo la sheegay in ay cagta mariyeen saldhigyo ay leeyihiin Al-shabaab

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa sida la sheegay hawlgal qorshaysan kula wareegay degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose oo ku harsanaa gacanta Al-shabaab.

Hawlglkaas ayaa lagu qabtay degaannada Gambarey iyo Dawacaaley oo ka tirsan Shabeellada Hoose halkaas oo ay saldhigyo waaweyn ku lahaayeen Al-shabaab sida ay sheegeen Saraakiisha Danab.

Saraakiisha ayaa tilmaamay in la burburiyay saldhigyadaas oo Al-shabaab ka soo abaabul jireen weeraro iyo qaraxyo ka dhan ah dowladda.

Ma jirto cid ka madax-bannaan Saraakiisha Danab oo xaqiijisay warkaan sidoo kale Al-shabaab weli kama hadlin.

PUNTLAND POST