Lix kamid ah Kuraasta Golaha Shacabka oo maanta lagu dooranayo Muqdisho

Lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Gobollada Waqooyi, ayaa lagu wadaa in maanta lagu doorto magaalada Muqdisho.

Af-hayeenka Guddiga Doorashooyinka heer Federaal Axmed Aaden Dagaal (Safiina) ayaa sheegay in lix kamid ah kuraasta Gobollada waqooyi maanta lagu dooranayo Muqdisho.

Af-hayeenka ayaa sidoo kale Puntland, Jubaland iyo Hirshabeelle ka dalbaday in ay soo saaraan liiska Murashixiinta u tartamaya Golaha Shacabka si aysan dib u dhac ugu imaan Doorashada.

Golaha Midowga Murashixiinta ayaa dhowaan walaac ka muujiyay gaabiska iyo dib u dhaca ka jira Doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya.

PUNTLAND POST