
Gadiidleyda Puntland oo sicirbarar u kordhiyay kirada
Deegaannada Puntland waxaa ka jira sicirbarar baahsan oo aad u sameeyay nolasha bulshada, iyadoo qiimaha wax walba ay kor u kaceen.
Gadiidleyda xumuulka, dhismaha, daabulka iyo tagaasida ee ka shaqeeya deegaannada Puntland ayaa dhammaantood warbaahinta ka sheegay in ay kordhigeen kirada adeegyada ay bulshada u hayaan.
Sidoo kale qiimaha maciishada daruuriga ah iyo adeegyada kale ee bulshada ayaa muddooyinkii dambe kor u kacay deegaannada Puntland.
Sicirbararka Puntland oo muddo ay bulshadu dareemaysay ayaa aad kor ugu kacay markii ay shaqeyn waaday lacagtii Shilinka Soomaaliga, wuxuuna si gaar ah u saameeyay dadka danyarta ah.
PUNTLAND POST