Garoowe: Cagaf laamiga waxyeellaysay oo gacanta lagu dhigay

Dowladda hoose ee caasimadda Garoowe ayaa shaacisay in gacanta lagu dhigay Cagaf waxyeello gaarsiisay laamiga oo saacadihii u dambeeyay laga baadi-goobayay magaalada.

Ciidanka dowladda hoose ee Garoowe ayaa ku guulaystay in gacanta lagu dhigo Cagaftaas iyo ninkii watay oo xabsiga loo taxaabay.

“ Hawgal saacado qaatay kadib waan ku guulaysannay in gacanta lagu dhigo Cagaftaas iyo ninkii watay oo xabsiga loo taxaabay waxaana laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan” ayuu Puntland Post u sheegay mas’uul ka tirsan dowladda hoose.

PUNTLAND POST