Maxaa ka soo kordhay xiisadda Galmudug iyo Ahlusunna?

Waan-waan kale oo xalay la isu dayay in lagu dhex-dhexaadiyo hoggaanka Galmudug iyo Ahlusunna, ayaa fashil ku dhammaatay, sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay.

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka Galmudug, oo waan-waantaas waday ayaa madaxweyne Qoor Qoor hor dhigay saddex qodob oo Ahlusunna ogolaatay, si loo bilaabo wada-hadalka.

Qodobada waxay ahaayeen in maamulka degmada Guriceel ay dib ugu laabtaan magaalada, in Taliyaha Qaybta Booliiska Guriceel isna dib u soo laabto iyo in ay shaqeeyaan kastamyada Canshuuraha magaalada

Ha yeeshee, madaxweynaha Galmudug ayaa diiday qodobadaas wuxuuna shardi ka dhigay in Ahlusunna si buuxda u wareejiyaan maamulka degmada Guriceel.

Labada dhinac ee Galmudug iyo Ahlusunna ayaa weli sii wada abaabulka ciidan iyo hub urursiga.

PUNTLAND POST