Golaha Midowga Murashixiinta oo qoraal kulul ka soo saaray Raafkii Laascaanood

Golaha Midowga Murashixiinta Muqdisho ayaa si weyn u cambaareeyay Raafkii Somaliland ka samaysay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

War-saaxafadeed ka soo baxay Golaha Midowga Murashixiinta ayaa lagu cambaareeyay bara-kicinta iyo Raafka Somaliland ku samaysay dadka ka soo jeeda Gobollada Koonfureed ee dalka.

Golaha ayaa mas’uuliyiinta Somaliland ugu baaqay in ay si deg deg ah u joojiyaan xad-gudubka iyo tacaddiga dadkaas maatada ah ee laga qixiyay magaalada Laascaanood.

Sidoo kale Golaha ayaa u mahadceliyay mas’uuliyiinta iyo shacabka gurmadka u sameeyay dadkii la soo raafay.

PUNTLAND POST