Madaxweyne Deni oo guddi u magacaabay qiimaynta Amniga caasimadda Garoowe

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddi u magacaabay dardar-gelinta iyo kala tala-bixinta Amniga magaalooyinka Puntland gaar ahaanna caasimadda Garoowe.

Guddiga oo ka kooban saddex xubnood waxa guddoomiye u ah Gen. Bashiir Maxamed Cabdi oo horay u soo noqday taliyaha Booliiska Soomaaliya.

Qofka labaad waa Maxamed Cabdiraxmaan Faroole oo ah la-taliyaha dhinaca Amniga madaxweynaha Puntland.

Qofka saddexaadna waa agaasimihii hore ee hay’adda Sirdoonka Puntland ee PIA Cabdirisaaq Ciise Xuseen (Khaatumo).

Guddiga ayaa sameyn doona qiimeyn iyo kasoo talabixin hannaanka amniga lagu sugo iyo sidii loo joojin lahaa mukhaadaraadka.

PUNTLAND POST