Qoyska marxuumad Maryan oo beeniyay war uu faafiyay Jeeniqaar Sheikh Cumar

Qoyska marxuumad Maryan Axmed Caato ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war uu faafiyay sarkaal lagu magacaabo Jeeniqaar Sheikh Cumar oo ka tirsanaan jiray ciidanka Kumaandooska Danab ee dowladda Soomaaliya.

G/sare Jeeniqaar oo ka soo jeeda Puntland ayaa sheegay in marxuumad Maryan Axmed Caato dhaawacii soo gaaray u dhimatay kadib markii Garoowe laga waayay irbad qiimaheedu joogo $1.5 Dollar oo keliya.

Balse, Maxamuud Axmed Caato la dhashay marxuumadda oo Puntland Post la hadlay ayaa been-abuur ku tilmaamay warka uu faafiyay Jeeniqaar oo ku saabsan in Maryan loo waayay irbad $1.5 Dollar joogta.

Walaashay looma waayin irbad $1.5 Dollar joogta waa borobagaandho warkaas. Dadka wararka noocaas ah wareejinaya Ilaahay ha ka cabsadaan” ayuu yiri Maxamuud Axmed Caato.

Qoraalka Jeeniqaar

PUNTLAND POST