
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa saaka xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Bangiga dowladda Puntland.
Bangiga waxaa dhistay dowladda Puntland iyadoo uu hore u dhagax dhigay madaxweyne Deni 3-dii March 2020, sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada.
Warka ayaa sidoo kale xusay in dhismaha xaruntan kharashaadka lagu fuliyay laga helay  beekhaaminta dakhliga dowladda.
PUNTLAND POST