AMISOM oo war ka soo saartay duqaymo ka dhacay Gobolka Gedo

War-saxaafadeed ka soo baxay Hawlgalka Nabad-ilaalinta ee AMISOM ayaa lagu sheegay  in ay Baaritaano ku samaynayaan duqaymo dhowaan ka dhacay Gobalka Gedo kuwaas oo dad Rayid ah khasaare ka soo gaaray.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa  ku eedaysay in uu dal ka tirsan AMISOM ku lug lahaa Duqeyntii Diyaaradaha ee lagu dilay dad rayid ah oo ku noolaa Gobalka Gedo.

Qoraalka ay Hawlgalka AMISOM soo saareen waxay kaloo ku sheegtay inay ku hawlan yihiin Ururinta Warbixinada la xiriira Duqeyntaasi, isla markaana ay si dhow ula shaqeyn doonaan DFS, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Daneeyayaasha kale inta ay AMISOM baarayso dhacdadaasi.

Dhinaca kale, AMISOM waxay sheegtay inay ka go’an tahay baaritaanadda dhamaan eedeymaha la xiriira Xadgudubyada heer kasta oo uu yahay ee ka dhan ah Ciiddanka ka hoos shaqeeya Taliskooda Soomaaliya.

PUNTLAND POST