
Madaxweynaha Soomaaliya ee xilku ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.
War-saxaafadeed caawa ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shirkaasi uu ka furmayo 15ka bishan Febraayo magaalada Garowe, waxaan la tilmaamay in uu dhameystir u yahay fulinta heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay in ay diyaar u tahay sidii looga wadahadli lahaa arrimaha lagu kala aragti duwan yahay, iyadoo aasaasku yahay dhaqangelinta heshiiskii ay ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare 26kii Sebteembar 2020.
PUNTLAND POST