Ciidamada dowladda oo laayay xubno ka tirsan Al-shabaab oo weerar ku qaaday Dhuusamareeb

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb, ayaa sheegay in ay xalay hawlgal qorshaysan ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab, oo hoobiyaal ku weeraray Dhuusamareeb.

Saraakiisha Ciidamada oo warbaahinta la hadlay, ayaa xaqiijiyay in ay hawlgalkaa ku dileen 8 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen Gaadiidkii iyo Hubkii ay wateen Kooxdaas.

Hawlgalka ka hor, waxa madaafiic Hoobiyaal ah laga maqlay gudaha Dhuusamareeb, waxaana ku xigay dagaal duleedka magaalada ku dhexmaray Ciidamada dowladda iyo kooxda weerarka soo qaaday oo markii dambe la laayay.

PUNTLAND POST