Dowladda Ingiriiska oo si rasmiya uga baxday Midowga Yurub

Dowladda Ingiriiska, ayaa xalay si rasmiya uga baxday Midowga Yurub oo ay ka tirsanayd mudda ku dhow 50-sano.

Kadib 11 bilood oo lagu jiray Kal-guurka UK iyo Midowga Yurub, waxa sannadka cusub u curtay Ingiriiska oo gebi ahaanba ka baxay Midowgaas.

Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska  Boris Johnson, ayaa sheegay in UK ay heysato xoriyadeeda ayna arimaheeda u sameysaneyso, si ka duwan oo ka wanaagsan sidii hore.

Ingiriiska kama shaqeyn doonaan sharciyada Yurub ee ay 50 sano u hogaansameysay sida ganacsiga xorta ah, maxkamada Yurub ,iskaashiga amaanka iyo dhanka socdaalka oo dadka Yurubta kale.

PUNTLAND POST