Madaxweynaha Hirshabeelle oo shir dib u heshiisiin ka furay Jowhar

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Jowhar ka furay shir dib u heshiisiineyd oo loo qabtay labo beelood oo wada dega degmada Cadalle ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Shirkan dib u heshiisiinta waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeele iyo odayaasha labada beelood oo la heshiisiinayo.

Madaxweynaha Hirshabeele, Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa sheegay in xooga la saari doono sidii loo dhamayn lahaa xiisadda colaadeed ee u dhexeysa beelaha degmada Cadalle

Beelaha wada dega degmada Cadale ayaa waxaa ka dhex jirtay colaad raagtay taas oo galaafatay nolasha dad badan.

PUNTLAND POST