
Qaar kamid ah musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyay tallaabo ay xukuumadda federaalka ku doonayso in ay ku bixiso ruqsadaha baarista batroolka dalka.
Qoraal maanta kasoo baxay Golaha Midowga Musharaxiinta Muqdisho ayaa lagu sheegay in isku dayga Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ku bixinayso ruqsadaha baarista batroolka ay tahay ‘boob hanti qaran’ xili lagu jiro marxalad doorasho oo kala guur ah.
“Golaha wuxuu u arkaa in ay boob hanti qaran tahay in iyadoo lagu jiro marxalad doorasho oo kala-guur ah, ay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta DFS ku dhiirrato bixinta ruqsadaha baarista batroolka” ayaa lagu yiri qoraalka musharaxiinta.
Sidoo kale musharaxiinta ayaa shirkadaha shidaalka ee shisheeye uga digay in xiligan kala guurka ah ay dowladda Soomaaliya la galaan heshiis shidaal.
Ridwaan Xirsi oo kamid ah Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay kulan ay maanta musharaxiintu yeesheen oo ay uga hadleen arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay bixinta ruqsadaha baarista batroolka Soomaaliya.
Wasiirka Batroolka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka Turkiga u jooga bixinta ruqsado shidaal baaris.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka musharaxiinta Muqdisho


PUNTLAND POST