Wararkii u dambeeyay ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle

Diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee doorashada madaxtinimada dowlad goboleedka Hirshabeelle, ayaa haatan ka socda magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay, halkaas oo ay ka dhacayso doorashada, waxaana ku sugan siyaasiyiin,odoyaasha dhaqanka iyo musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha iyo ku xigeenka Hirshabeelle.

Xilka madaxweynaha, waxa u tartamaya laba musharax oo kala ah; madaxweyne ku xigeenkii hore ee Hirshabeelle Cali Guudlaawe iyo musharax Cabdiraxmaan Jimcaale Cusmaan.

Xilka Madaxweyne ku xigeenka, isna waxa u tartamaya musharrax Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed)  iyo musharrax Maxamed Maxamuud Cabdulle (M. dheere).

Doorashada oo dhinacyo kala duwan isha ku hayaan, ayaa la filayaa in ay saacadaha soo socda ka bilaabato magaalada Jowha,r halkaas oo haatan laga dareemayo qaban-qaabadii u dambaysay.

PUNTLAND POST