
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa khudbad ka jeediyay kulan looga hadlayay Horumarka Maaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya, kaas oo uu qaban-qaabiyay Machadka dhaqaalaha ee Stockholm (Stockholm Institute of Economics).
“Sharaf ayay ii tahay in aan maanta ka jeediyay Muxaadiro ku saabsan horumarka Maaliyadda iyo kobaca dhaqaalaha dalka Machadka dhaqaalaha ee Stockholm (Stockholm Institute of Economics) taa oo u qabsoontay hab Online ah.” Ayuu yiri Wasiirka
Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa sidoo kale safiirka dowladda sweden ee soomaaliya uga mahadceliyayka qeyb-galka barnaamijka lagu xoojinayo dhaqaalaha Soomaaliya.
“Waxa aan u mahadcelinayaa Safiirka Dowladda Sweden ee u fadhiya Soomaaliya Staffan Tillander oo igu wehlinayay barnaamijka aan uga hadalnay dhaqaalaha Soomaaliya.” Ayuu sii raaciyay.
PUNTLAND POST