
Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland G/sare Mu’min Cabdi Shire, ayaa markii u horraysay faahfaahin ka bixiyay, hawlgal qorshaysan oo Ciidanka Booliisku ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu soo qabtay shabakad ka tirsan Al-shabaab.
Taliye Mu’min, oo wareysi siiyay Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da, ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu dhigay shabakad ka kooban todoba xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo dilal iyo qaraxyo kala duwan ka gaystay Gaalkacyo tan iyo sannadkii 2018.
Sidoo kale, wuxu sheegay in xubnaha la qabtay ay dhammaantood qirteen in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab, islamarkaana Qaraxyo iyo dilal kala duwan oo mas’uuliyiin lagu dilay ka fuliyeen gudaha Gaalkacyo tan iyo sannadkii 2018.
G/sare Mu’min , wuxuu sidoo kale xusay, in shabakadda la qabtay ay ku jiraan laba Amiir, oo hoggaamin jiray kooxda, xilliyada ay fulinayaan dilalka iyo Qaraxyada ay ka gaystaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug/
“ Shabakadda aan qabanay waa todoba xubnood oo laba amiir ku jiraan, kuwaas oo qirsan in ay Qaraxyada iyo dilalka ka fulin jireen magaalada Gaalkacyo tan iyo sannadkii 2018 islamarkaan ay dileen mas’uuliyiin dowladeed” ayuu yiri Taliye Mu’min.
Taliye Mu’min Cabdi Shire, ayaa sidoo kale sheegay in ay maxkamad ciidan hor-gayn doonaan xubnaha la qabtay ee Al-shabaab, si sharciga loo mariyo.
PUNTLAND POST