Saraakiil sare oo ka tirsan Kumaandooska DANAB oo gaaray Kismaayo

Wefdigan saraakiil ah oo uu hoggaaminayo Taliyaha Guutada 16aad Ee Kumaandooska DANAB Gaashaanle Axmed Cabdullaahi Nuur(Beeryare) ayaa gaaray magaalada Kismaayo.

Taliyaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo kusoo dhoweeyay Saraakiisha Ururka 5aad ee Kumaandooska Danab oo ugu horreeyo Taliyaha Ururka 5naad Carab Dheeg Axmed.

Taliyaha Guutada 16aad Ee Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB Gaashaanle Axmed Cabdullaahi Nuur(Beeryare)  ayaa bogoodiyay shaqada adag ee Ururka 5aad  ka hayo degaanada  Jubbland.

Sidoo kale taliyaha ayaa waxaa la filayaa in uu booqasho ku tago Saldhigyada Ciidamada DANAB ee degaannada Gobolka Jubbada Hoose si loo dardar geliyo howlgallada ay wadaan.

PUNTLAND POST